raasumaal

Ka Wiktionary

Af soomaali[wax ka badal]

Magac[wax ka badal]

Raasumaal

  1. Raasumaal: Capital waa kelmed macnayaal badan leh oo asal ahaana ka soo jeedda afka carabiga(Ra'sulmaal; macnahuna waa lacagata loo maal gashado ganacsi ahaan asalkeeda markaan lagu darin faa'iidada maba aan khasaare laga jarin.
  2. Af-Soomaaliga macnahaas hore way ku leedahay, waxayse caan ku tahay xagga miyiga oo looga yaqaano geela irmaanka ah ee reerka looga tago marka geela horwaynta ah la xergeeyo ee lala doonto daaqsin amaba waraab ku haboon oo aanu ka heli karin halka reeraha amaba adhileydo deggantahay. Geela raasa maalka ahi waxa uu ka kooban yahay geel dhalay oo nirgihiisii wata amaba qaarkood ay igadh yidhiin oo maqaar lagu salaaxo.
  3. Geelaas raasamaalka ah wxa kale oo loo yaqaanaa xaas oo had iyo jeer wuu ka nugul yahay geela gaanaha ah marka loo eego xagga haraadka waanu ka hor arooraa geela intiisa kale sida badan.

Tarjumaad[wax ka badal]